“Labadan Xisbi ee Layliga ahi ee Annagaa helnay iyo Annagaa helnay isku haysta 82-ka Cod ee qaar maqnaayeen, sidaynu u ekaan doonnaa doorashada soo socota ee Madaxweynaha?” Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 09. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay muranka ka taagan Xildhibaanka loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Axaddii dorraad oo ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Baashe markii hore loogu dhawaaqay natiijada, halka Talyanle oo markii hore natiijadaas aqbalay oo Tahniyadeeyey uu habeen-hore shaaciyey inuu Guddoomiyaha la doortay isaga yahay oo wax-is-daba-marin la sameeyey.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in muranka iyo is-qabsiga Kursigaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka taagan uu muujinayo sida ay yihiin Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, isla markaana ay digniin u tahay tallaabadani sida loo aammini karo in labadaas Xisbi dhibaato u horseedin dalka iyo dadka marka ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha lagu dooran doono ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka.
“Golahan Aniga iyo Shacabka Somaliland midkaayana kalsooni kuma qabno, waxan ka dhacayna, Aniga (dorraad) waxa iigu dambaysay iyadoo la is-tahniyadeeyey, codku hadduu dhaco oo la is-tahniyadeeyana wuu dhammaaday, immikana waxaad illeedihiin waa lays haystaa. Taasi waa Allaah mahaddii oo waa digniin Shacabweynaha reer Somaliland u muuqata, maanta haddii 82-kii Xildhibaan ee weliba qaar maqnaayeen Codkooda ay isku haystaan labadan Xisbi ee Layliga ahi Annagaa helnay iyo Annagaa helnay, sidaynu u ekaan doonnaa doorashada soo socota ee Madaxweynaha?” sidaa ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha UCID oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waaxaan idin leeyahay waa Kulmiyihii shalay iyo Kulmiyaha maanta, labaduba Kulmiye ayey ka kooban yihiin, Qoladii Kulmiye ka soo kacday ee shanta sano dalka xukumaysay iyo qolada lagu beddelay baa is-haysta, iska daa dalkan inay keenaan faa’iido’e nabadda aynu haysanno ayey khalkhal innaga gelinayaa. Markaa, waxaannu leenahay labadaa Xisbi waxaannu jecelnahay inaad ka Codaysaan, is-beddel buu dalkeennu u baahan yahay, Ictiraaf buu u baahan yahay, dhalinyartu shaqay u baahan tahay, in dalka la mideeyo ayaa loo baahan yahay, labadan Xisbina waa Qaybiyeyaal oo ma midayn karaan.”
Faysal oo ka hadlaya digniinta ay tallaabadan doorashada Guddoonka Golaha Wakiilladu u tahay Shacabka, waxa uu yidhi; “Tanna waa digniin la inna leeyahay Qudhaanjoow ku quuso, Nimanka maanta isku haysta Baarlamaan bilaa-micne ah oo Adduunku nacay oo Qaranku nacay, oo waxba aan ku fillayn oo egesbaayir ah, oo waxba aan ku filnayn oo sharci aan ku fadhiyin oo isku haysta Annagaa Guddoomiye ah iyo Annagaa ah, waxay inna tusaysaa Qayrul-masuulnimo iyo Tudhaale la’aanta dalka iyo dadka.”
“Markaa, waxaan leeyahay Shacabka Illaahay baa idiin ka shifay, way ka xumaan doontaa labadaa Xisbi haddaad u codaysaan, qas bay idin gelin doonaan, 1992 iyo 1994 bay idinku celin doonaan, nabadda yar ee aad haysataan ayey idinka baabbi’in doonaan haddaad doorataan, ee iska ilaaliya inaad u codaysaan.”
Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa.