|

Dawlada Israa’iil ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay albaabada u laabta Telefishanka Al-jaziira ee xaruntiisu tahay dalka Qadar

Israa’il 09. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka warfaafinta Israa’iil Ayoub Kara ayaa warbaahinta u sheegay inuu Telefishanku taageero argagixisada oo dhawaan hawada laga saari doono janalada ku hadla labada luuqadood ee af carabiga iyo af ingiriisiga.

Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa hore ugu eedeeyey Telefishanka inuu faraha kula jiro oo uu baahiyo warar iyo Barnmaamijyo kicin ku salaysan.

Madaxda Telefishanka Al-jaziira ayaa cambaaraysay go’aankaasi ay gaadhay Israa’iil.

Dawlada Israa’iil ayaa sheegtay inay kala siman tahay go’aanka ay qaateen dalalka Carabta ah ee xidhiidhka u jaray dawlada Qadar arrinta Telefishanka ee ah inuu taageero aragagixsada isla markaana ay maalgaliyaan. Wasiirka warfaafinta ee Israa’iil ayaa sheegay inay la xidhiidheen madax ka tirsan shirkadaha bixiya adeega xidhkaha Telefishanada oo ay isku raaceen in hawada laga saaro AL jaziira, balse xidhitaanka Juurisalaam ay u baahnaan doonto arrin xagga sharciga ah. Wuxuu intaasi ku daray inuu Telefishanka Al-jaziira yahay qalab ay ku shaqaystaan Daacish, Al qaacida, xamaas, xisbullah iyo Iiraan.

Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa bartiisa Tuwiitarka ugu hambalyeeyey wasiirkiisa warfaafinta go’aanka uu ka qaatay Al Jaziira ee uu u soo afjaray kicinta iyo isku dhufashada ay waday.

Madaxda Telefishanka Al jaziira ee fadhigoodu yahay Doha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP inuu Telefishanka Al jaziira yahay warbaahinta keliya ee si xor iyo dumuquraadiyada ah uga soo waranta bariga dhexe, arrintan ay khatar ku tahay xorriyada.

Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa ku eedeeyey Telefishanka inuu taageero u yahay carab jacaylka oo uu shidaal ku shubayey rabshadihii ka dhacayey magaalada Qudus iyo masaajidka Al aqsa, markii ay socdeen isku dhacyadii u dhexeeyey Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Comments are closed