Ciidanka Booliska oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Iyo Xubno ka Mid ah Ilaaladiisa Kadib Markii uu Gacan ka Hadal dhex Maray Gudoomiyaha Sharciyadiisa Muranku ka Taagan yahay iyo Xildhibaan Koore & Madaxweynaha oo u Yeedhay Baashe DAAWO
Hargaysa 08. August 2017 (SDN/QJ):- Laamaha amaanka Somaliland ayaa Maanta Xabsiga Dhigay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Laba ka Mid ah Ilaaladiisa kadib markii ay Gacanta isula Tageen Gudoomiyaha Lagu Muransan Yahay Sharciyadiisa ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ay weheliyaan Ilaaladiisa ayaa tegay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Waxaanu ugu baaqay Baashe Maxamed Faarax inuu baneeyo Kursiga Gudoomiye-nimada ee Muranku ka taagan yahay maadaama loo doortay Mudane C.raxmaan Maxamed Talyanle hasa yeeshee Gudoomiye Baashe Maxamed ayaa faray Ilaaladiisa inay Xarunta Golaha ka saaraan Xildhibaan Saleebaan Cali Koore waxayna sababtay inay Gacanta Isula Tagaan Gudoomiyaha Sharciyadiisa lagu Muransan yahay ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Warku waxa uu intaas ku darayaa in Ilaalada Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ay dhankooda Rasaas dusha u rideen iyadoo ay dhaawacyo fudud oo Gacan isu qaadku sababay ay soo gaadheen Xubno ka Mid ah Xildhibaanada Golaha oo Xiligaas ku Sugnaa Xafiiska Gudoomiyaha.
Sidoo kalena xaruntii Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa la wareegay ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da iyo ciidamo Milateri ah,waxaana ciidamadani diideen in gudaha loo galo xarunta Baarlamaanka Somaliland.
Dhinaca kale Waxay wararku intaas raacinayaan in Baashe Maxamed Faarax si deg deg ah uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugu Yeedhay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Waxaanu Socod Lug ah ku tegay Xarunta Madaxtooyadda.
Xaruntii baarlamaanka Somaliland ayaa wakhti xaadirkan gashay xaalad kale,waxaana xalaadaasi ay ka dhalatay codayntii dorraad ka dhacay golaha ee gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada loogu doortay Baashe Maxamed Faarax,balse sharcinimadiisa lagu muransan yahay ilaa haddana lama garanayo halka uu saldhigan doono.