Golaha Shacabka Somalia oo Ansixiyey Miisaaniyada Dawladda Federaalka Somalia ee Sannadkan Dhawrka Bilood ka Hadheen ee 2017
Muqdisho 07. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Miisaaniyada dowlada ee sanada 2017-ka oo gaareysa adduun lacageed oo dhan $246 milyan oo dollarka Maraykanka ah .
Kulanka Baarlamaanka ee lagu ansixiyay Miisaaniyada dowlada ee sanadkan waxaa goob joog ka ahaa 169-Xildhibaan , waxaana Miisaaniyada in a ansax noqoto u codeeyay Xildhibaano gaaraya 167-Xildhibaan.
Kulanka Baarlamaanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo saraakiil ka socota Wasaaradda maaliyadda, kuwaa oo aad ugu farxay ansixinta Miisaaniyada ay soo diyaariyeen.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale ayaa ansixinta kadib sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay iyo Miisaaniyadda bartanka sanadka 2017 la meel mariyey, waxa uu ku mahadiyey Xildhibaanada shaqada ay guteen, Beyle ayaa sheegay in tani sabab u noqon doonto in kor loo qaado dakhliga dowladda.
Lacagaha Miisaaniyada ee la ansixiyay ayaa ka yimaada Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo sidoo kale lacago ay dowlada Soomaaliya deeq ahaan uga hesho Wadamada caawiya .