|

Tiradii ugu Badnayd ee Aaminsan Fikrada Ururka Daacish oo Ku Sugan Gudaha Dalka Faransiiska & Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalkaasi oo Ka Hadlay

Paris 07. August 2017 (SDN/QJ):- Dalka faransiisku waxa ay sheegeen in tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada faransiiska u dhashay ee sida qarsoodiga ah uga soo dagaalamay Ciraaq iyo Suuriya kana tirsanaa safafka kooxda Daacish ay dalkaasi dib ugu soo laabteen.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Faransiiska Gerard Koolum oo u waramay wargays ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in 271 xubnood oo ka tirsan wax uu ugu yeedhay Argagixisada ka soo dagaalantay Ciraaq iyo Suuriya ay dalkoodii faransiiska haatan dib ugu soo laabteen, hay’adaha baadhista iyo kuwa ammaankuna gacanta ku hayaan oo waraysiyo laga qaadayo.

Sida ay warbixino caalami ah oo la sameeyey caddeeyeen ugu yaraan 700 oo dhalinyaro faransiiska u dhashay ah ayaa u dagaalamayey kooxda Daacish ee dagaalada kaga jirta Wadamada suuriya iyo Ciraaq.

Comments are closed