Cuno Qabatayno Cusub oo Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay Ku soo Rogtay Kuuriyadda Waqooyi
New York 07. August 2017 (SDN/QJ):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cuno qabatayno cusub oo maraykanku dabada riixayo ku soo rogey dalka Kuuriyada Woqooyi taasoo ay ku galabsatay barnaamijkeeda gantaalaha qaaradaha isaga gudba.
Qaraarkani wuxu Kuuriyada Woqooyi ka Saamaynayaa dhinaca ilaha dhaqaalaha waxaanuu xadidayaa maalgashiga dalka,Qaraarkan waxa meel marintiisa isku raacay dhammaabn xubnaha Golaha amaanka..
Pyongyan waxay bishii Juulaay tijaabisay laba gantaal nooca Ballistic-ga ah, waxaanay sheegtay inay awood u leedahay inay gantaalaheeda gaadhsiin karto dalka Maraykanka oo dhan.
Tijaabooyinkaa waxa cambaareeyey Kuuriyada Koonfireed, Japan iyo Maraykanka waana sababta keentay in qaraarkan cuno qabataynta ah ee cusub Qaramada Midoobay ku soo rogto.
Waxyaabaha dhaqaaluhu ka soo galo Kuuriyada Woqooyi waxa ka mid ah birta, dhuxul dhagaxda iyo macdano kale oo ay u dhoofiso Shiinaha.waxaana ka soo gala dakhli gaadhaya saddex bilyan oo dolar sanadkiiba,waxaana la saadaalinayaa inay cuna qabatayntan cusub ku waayi karto aduun dhan hal bilyanoo dollar.
Horraantii sannadkan ayaa Shiinuhu hakiyey dhuxul dhagaxda uu ka soo iibsado Kuuriyada Woqooyi si uu cadaadis u saaro Pyongyan.
Hase ahaatee, cuno qabatayno xidhiidh ahaa oo lagu soo rogay Kuuriyada Woqooyi ayaan weli ku dirqiyin in ay joojiso horumarinta gantaalaheeda.