|

Dhacdo Soo Jiidatay Dunnida Waa Golaha Cusub ee Wasiirada Pakistan oo lagu daray Masiixiyiin iyo Hinduus!!

Karachi 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada cusub ee dalka Bakistaan oo ka kooban 46 wasiir ayaa la dhaariyey, ka dib markii dhowaan ay baarlamaanku doorteen Raysalwasaare ku meelgaadh ah oo bedelay Raysalwasaarihii is casilay Nawaz Sharif.

Xukuumadan cusub waxaa ku jira labo wasiir oo midna yahay bulshada Kiristaanka ee dalkaasi ka kalena ka soo jeedo dadka Hindida ee reer Bakistan, waana labada qowmiyadood ee ugu roon dadka laga tirada badan yahay ee ku nool wadanka bakistaan oo ay aqlabiyadiisa leeyihiin Muslimiintu.

Munaasabada dhaarta ee xubnaha golaha wasiirada ee Dalkaasi Pakistaan waxaa soo xaadiray Madaxweyne Mamuun Xuseen, waxana xukuumadan hogaaminaya Raysalwasaare Shahid Abbasi oo ahaan jiray Wasiirkii Batroolka, kana tirsan Xisbiga Islaamiga ah.

Comments are closed