Madaxweyne Xasan Rooxaani oo Mar Kale loo Dhaariyey Hogaaminta Waddanka Iran
Tehran 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee Jamhuuriyada Iran ayaa lagu dhaariyey Golaha Baarlamaanka hortiisa si uu u bilaabo marxaladiisa labaad ee Madaxweynanimada.
Munaasabada dhaarta ee Madaxweynaha Iran waxa soo xaadiray mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dalalka ay saaxiibka yihiin wadankaasi.
Madaxweyne Rooxaani ayaa aqlabiyad balaadhan ku guulaystay Doorashadii madaxweynanimo ee dalkaa ka dhacday bishhii May ee sanadkan.
Madaxweyne Rouhani wuxuu rajeynayaa inuu riixo qorshihiisa isbadalka iyo casriyeynta isagoo isku dayaya inuu fuliyo rajooyinka ay qabaan ku dhawaad 24 milyan oo qof oo u codeeyey.
Wuxuu doonayaa inuu isbadal ku sameeyo dhaqaalaha, taasi oo ku jaan go’an heshiiska nukliyeerka oo cambaareyn kala kulmay Madaxweyne Trump.