Gabadh U Dhalatay Sucuudiga Oo Xanaanayta Xayawaanka U Kiraysay Guri Aanay La Ogeyn Qoyskeedu !
Riyadh 06. August 2017 (SDN/QJ):- Xannaanayta iyo daryeelka xayawaanada dayacan ayaa ah mid Ilaahay agtiisa ajar iyo xasanaat lagaga helo, gabadh dhallinyar ah oo u dhalatay Dalka Sucuudiga ayaa waxay qaaday tallaabo aad heer saraysa oo ah inay Bisadaha dayacan ee ku nool magaalada Riyad u kiraysay guri uu qiimihiisu yahay 500 oo Dollar.
Jarriidada Loss Angles Times oo warbixin ka diyaarisay oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa faahfaahisay qaabka ay u xanaanayso gabadhani bisadaha dayacan isla markaana wariyayaal ka socday oo booqdey guriga ay u kiraysay ayaa waxay shaacisay in xattaa qoyskeedu aanay war u hayn aqalka ay Muha Al Mudayri u kiraysay bisadaha waxa kale oo xusid mudan in Muha ay kaligeed dusha saaratay kharashka nadaafada iyo quudinta bisadahaasi, Muha ayaa waxay jirtaa 35 sano waxaanay sheegtay inay aad u jeceshahay daryeelka iyo dayactirka xayawaanada kala duwan, sidoo kale waxay sheegtay inay hooyadeed geeriyootay laba sano ka hor geeridaasina ay ku yeelatay saamayn, Muha ayaan ilaa iyo haatan la guursan waxa aanay ku nooshahay aqalka waalidkeeda, iyadoo xustay inay ilaalinta iyo dayactirka bisadahaasi Ilaahay agtiisa ajar iyo xasanaad kaga rajaynayso.
Xigasho Wargayska Himilo.