|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Gebi ahaanba ka Baxay Heshiiskii Isbedelka Cimilada ee Paris lagu Gaadhay

Washington 06. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynha maraykanka Mr: Donald Trump ayaa u gudbiyey Qaramada midoobay qoraal uu maraykanku kaga baxayo heshiiski isbedelka cimilada aduunka ee lagu gaadhay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Mr: Donald Trump waxa uu qoraalkan ku sheegay ilaa iyo inta uu dhamaanayo geedi socodka ka bixitaanka ee heshiiskani, in xukuumada maraykanku ay ka qayb galidoonto kulamada caalamiga ah ee la xidhiidha cimilada isbedelaysa , taas oo ka bixitanku qaadanayo waqti.

 

Geesta kale, Mr: Donald Trump waxa uu ka bixitaanka sabab uga dhigay in aan dani ugu jirin dalka maraykanka, isagoo sheegay in aanu heshiiskani dheeli tirnayn oo uu dhaqaalaha maraykanka hoos u dhac ku keenayo, hase yeeshee dhaleecayn xoogan ayuu kala kulmay Mr: Trump bulshada caalamka markii uu bishii Juun ee sanadkan uu ku dhawaaqay ka bixitaanka heshiiskan.

Comments are closed