|

Culimada Waaweyn ee Somaliland oo Sheegay inay Khalad Tahay in Kiniisad Kaatole Dib Looga furo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa & Fadwo Diimeed oo ay ka soo Saareen DAAWO

Hargaysa 03. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Culimadda ugu Caansan Somaliland ayaa Fadwo diimeed ka soo saaray qaddiyada Kiniisad Mad-habta Kaatooliga ah oo dib looga furayo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa taas oo ay Xukuumaduna ogolaatay Isla markaana ay ka dhalatay doodo adag oo dadweynuhu isku weydaarsanayaan baraha lagu Kulmo.

Culimadan oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda hargaysa ayaa ku sifeeyay Masalo Sharciga Islaamka ka hor imanaysa in Kiniisad laga furo Waddan dadka ku dhaqani ay Yihiin Muslimiin,Waxayna Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inay ka noqoto ogolaanshihii ay ku amartay in Kiniisadaas dib loo dayac tiro si ay ugu Cibaadaystaan dadka Mad-habtaas aaminsan iyadoo Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu Sheegay in Kiniisadani aanay ahayn Mid Cusub balse ay tahay Tii la dhisay Xiligii Ingiriisku ka talinayay Somaliland.

Comments are closed