Wiil u Dhashay Jabuuti oo Indhaha Lagaga Tuuray Biljim Oo Maraykanka Ka Helay Qalab Carrabka Wax Lagu Arkayo DAAWO
Washington 03. August 2017 (SDN/QJ):- Liibaan Mustafa Xasan oo ah Muwaadin Jabuutiyaan ah oo Araggiisa waayey kadib markii ay soo weerareen Rag la sheegay inay isku Xisbi ahaan jireen oo khilaaf Siyaasadeed ku dhex maray Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka, ayaa Maraykanka ka helay Qalab uu wax ku arki karo.
Liibaan oo lagu wareystay Dalka Maraykanka oo uu ku sugan yahay, ayaa sheegay in Dhakhaatiir Shiine ah oo ka shaqeeya Dalka Maraykanku ay ku Rakibeen Qalab ka kooban laba Qaybood oo kala ah Kamarad u samaysan sida Muraayadda indhaha oo Madaxa uu gashanayo oo Sawirrada ay qaaddo u gudbinaysa Qalab kale oo lagaga rakibay Carrabka, markaana u suurto-gelinaysa inuu wax arko.
“Waxa ii suurto-gashay in la ii xidho Muraayad Xagga sare ku leh Kamarad, dabadeedna Kamaradda ayaa Muuqaallada ay duubto u soo tuuraysa Carrabka, markaasi ka dib ayaad Carabka wax ku arkaysaa..” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Carabka wuxuu ku arko ayuu Maskaxda u gudbinayaa, oo hab kale ayuu wax u arkayaa, waad soconaysaa, Dadka ku Hor-taagan waad arkaysaa, waxaanad noqonaysaa Qof isku filan oo keligii socda.”
Liibaan oo la waydiiyey Qiimaha Qalabkani ku kacay, ayaa ku jawaabay “Qalabkani kuuma beddelayo indhahaagii, laakiin waa Qalab ku meel-gaadh ah, Qiimihaha uu ku kacayna waa Shan ku oo Dollar, waana suurto-gal inay Qiimihiisa sii dhimaan hadday helaan Dad Cadadkoodu badan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya Cidda ka caawisay Lacagta uu Qalabkan ku iibsaday “Lacagtaasi aan isku daweeyay iyo waxaan isku daweyn doono 95% waxay ka timid oo Jaaliyadda Qurbo-joogta ee Soomaaliyeed oo ILAAHAY noo kiciyey.”
Liibaan wuxuu sheegay in markii hore uu Gacanta hayey oo hagayey Walaalkii isla-markaana uu geeyay Maraykanka, laakiin imika uu isagoo keliya uu ku noqon doono Dalkii uu hore uga yimid oo ah Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka.