|

Dawlada Talyaaniga oo Baarlamaanka Hor geeyay Qaraar u fasaxaya inay Ciidamo u diraan Biyaha Liibiya

Roma 03. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Dalka Talyaaniga ayaa Guddiyada Golaha Baarlamaanka hor geysay qaraar ku saabsn inay Ciidamo u direyso Biyaha dalka Liibiya kuwaasoo gacan ka siiya ciidanka ilaalada xeebaha Liibiya sidii loo joojin lahaa muhaajiriinta sharci darradda ah.

Haweenayda Wasiirka Gaashaandhiga ka ah Talyaaniga Robertaa Beniiti ayaa Guddiyada Golayaasha Baarlamaanka iyo Odayaasha u sheegtey inay  Maraakiib dhinaca lojastikada ah iyo Kuwo ilaalo ah u dirayaan biyaha badda Liibiya,Ciidamadaas oo ay sheegtey inay iskaashi iyo wada shaqayn yeelayaan Kuwa liibiya si ay isaga kaashadaan ka hortaga Muhaajiriinta sharci darrada ah .

Wasiirka Arimaha dibadda Dalka Talyaaniga Anjiiliyoo ayaa isna sheegey in Liibiya ay ka dalbatey in laga taageero dhinaca  Ciidamada Badda qaraarkan ciidamada loogu dirayo Badda Liibiyana ay tahay mid dalabkaasi ku timi iyadoo la ilaalinaya Sayaasada madaxanaanida dalka Liibiya.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey in Qaraarkan Ciidamada Loogu dirayo Biyaha badda Liibiya ay Baarlamaanku maanta cod u qaadi doonan meel marintiisa.

Comments are closed