Loolan Xoogan oo Xalay Hargaysa ka Dhacay,Sadex Murashax oo u Taagan Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda & Mas’uulka ugu Dhow ee Loo Saadaalinayo
Hargaysa 02. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka oo arbaca ah fadhi yeelanaya Golaha Wakiiladda Somaliland iyadoo Gudoomiyaha Golahaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro uu Si rasmi ah ugu dhawaaqi doono inuu iska casilay Xilka Gudoomiyaha Golahaasi oo uu soo hayay 12 Sano ee u danbeeyay Taas oo ka dhigaysa Gudoomiyihii ugu Mudadda dheeraa ee soo mara Golaha Wakiiladda iyadoo la filayo inuu isugu lugo dudo dhanka Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.
Waxaa Jira Dhawr Murashax oo Damac ka hayo inay Fadhiistaan Kursiga laga hogaamiyo Golaha Wakiiladda Kuwaas oo dhamaantood ka soo Jeeda Beesha Dhul bahante Waxayna Kala Yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Mudane C.raxmaan Talyanle.
Ilaa Xalay waxaa Magaaladda hargaysa ka socday Loolan xoogan oo Murashixiintani mid kasta dhankiisa ku rabo inuu xilkan hanto.
Hadii Kulmiye iyo Xukuumaddiisu aanay isugu guurin hal musharax oo keliya oo la tartama Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka tirsan xisbiga Waddani oo keliya ayuu Cirro ugu dhawaan karaa in uu suurtogal noqdo in Mas’uul ka soo Jeeda Xisbigiisu uu ka dhaxlo Kursigii uu Mudada 12 Sanno ah ku Fadhiyey.
Hadiise Kulmiye iyo xukuumaddu musharax keliya isugu guuraan Talyanle fursad ma laha ee musharaxa Kulmiye ayaa ku guulaysanaya. Taasina waxay u baahan tahay in la qanciyo Xildhibaan Saleebaan Koore waayo Gudoomiye- xigeen xisbigiisa ah ayaa fadhiya oo laga yaabaa hadii uu u tanaasule waxa midoobaya labadii dhinac ee kala taageersanaa taasina waxay albaabka ka soo xidhaysaa in musharaxa Waddani Mudane Talyanle uu helo fursad uu ku fuulaysto. Hadii ay xisbinimadu shaqayso Kulmiye wuxu haystaa in ka badan 2/3 tirada xildhibaanada Wakiilada markaa musharaxooda cid u babac dhigi kartaa ma jirto.
Sidaa daraadeed waxaa la saadaalinayaa in gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiiladu uu noqon doono Gudooniye/xigeenka koobaad Mudane Baashe. Markaa kulmiye wuxu faaiiday hogaamintii Aqalka Wakiilada oo uu ka dhaxlay Waddani oo lumiyay.
Source Qurbejoog.com