Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Xisbiyada Ugu Baaqay Inay Xurmeeyaan Shuruucda Doorashooyinka & Doorka Maxkamada Distooriga ah DAAWO
Hargaysa 01. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu baaqay saddexda xisbi qaran in ay ilaaliyaan sharciga dalka u yaalla, una hoggaansamaan xeerarka doorashooyinka.
Prof. Aadan waxa uu sheegay in qaranka Somaliland ka ballaadhan yahay saddexda murrashax ee u tartamaya hoggaanka dalka,waxaanu u soo jeediyay shacabka in ay ilaashadaan qaranimada iyo nabadgelyada isla markaana la ixtiraamo dastuurka u yaalla dalka.
“Markii doorashooyinku dib u dhaceen waxa la isla yimid maxkamadda sare maxkamadda ayaana goysay wakhtiga doorashadda madaxtooyadu qabsoomayso,markii abaaruhu dhaceenna waanu furnay imikana isha ayaannu ku haynaa siday wax u socdaan, waayo maxkamadda sare waa halkii waddanka ugu saraysay xaga sharciga,waxaana ugu baaqaynaa dhammaan cid kastoo ay khusayso oo ay ugu horreeyaan xisbiyadu inay sharciga u hoggaansamaan oo xeerarka doorashooyinka u hogaansanaadaan oo aanay xayndaabka sharciga ka bixin. komishanka doorashooyinku waxay sheegeen in sharcigii laga baxay, sharciga ayaa wax lagu yahay haddii sharciga la iskala baxo waxba ma soconayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo u waramay Suxufiga caanka ah ee Faysal Fadh-fadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray; “Guddida doorashooyinka waannu wada shaqaynaa waanan garab taaganahay waddanku xaalad kala guur ah ayaa lagu jiraa, waana in ay waddanka ay ka dhacdo doorasho xalaal ahi.waxaana dadka reer Somaliland ugu baaqayaa in nabadda,wadajirka iyo walaaltinimada ilaashadaan. Qaranimada Somaliland way ka ballaadhan tahay saddex murrashax qaranimada ayaana ka muhiimsan doorasho mar dhacaysa,waddan waxa uu waddan ku noqdaa sharciga iyo kala danbaynta oo la ixtiraamo.”
Prof. Aadan Xaaji Cali, waxa uu tilmaamay in baarlamaanku awood u leeyahay in wax ka beddal ku sameeyaan shuruucda garsoorka,waxaannu yiidhi; “Haddaanu garsoorka nahay sharciga baarlamaanku ansixiyo ayaannu dabaqnaa, waana shaqo u taalla xeer dejinta in wax laga beddalo shuruucda garsoorka annagu sharciga ma qorno ee sharciga baarlamaanku ansixiyo ama sharciyadii hore ee jiray ayaannu dabaqnaa,baarlamaankuna awood ayay u leeyihiin in ay dib u habayn ku sameeyaan shuruucda garsoorka oo xeerka dastuurka ka hor imanaya la beddelo, waa shaqada xeer dajinta. maxkamada sarena waxay awood u leedahay in ay fasiraad ka bixiso xeerarka ka soo baxa baarlamaanka.”
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in maxkamaduhu qareen u qabtaan dadka aan awoodi karin in ay qabsadaan qareen difaaca; “Waxa jira wax la yidhaahdo qareenka saboolka ama kiis miskiin ayaa jira, qofku hadduu qareen qabsan kari waayo qareen ayaa loo qabtaa, caddaaladana waa loo siman yahay markaa ma jiro qof la odhanayo waxba ma haystee oo cidi u doodi mayso oo ka wax haysta ayaa loo xukumayaa ma jirto taasi,”ayuu yidhi Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed.