Wasiirkii Hore ee Amuuraha Gudaha Somaliland oo talo u soo Jeediyey Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland
Hargaysa 01. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde haddana ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa uu fariin u direy xisibiyadda Somaliland.
Isagoo saxaafada kula hadlayey magaaladda Hargeisa ayaa waxaa uu sheegey in xisbiyadu ay muhiim tahay in ay ilaaliyaan sidii nabada loo ilaalin lahaa, isagoona intaa ku daray in ay muhiim tahay in olalahooda ay si nabadeed ku dhameystaan.
“ Waxaa aad u muhiim ah ilaalinta nabad dalka, waxaanan dhamaan xisbiyada dalka ugu baaqayaa in olalahooda ka ilaaliyaan waxyaabo lidi ku ah amniga dalka” ayuu yiri Warancacade.
Somaliland ayaa la filayaa in bisha 11aad ee sanadkan ay ka qabsoonto doorashadda madaxtinimada oo ay ku tartamayaan seddexda xisbi ee dalka ka jira.