Hirdan Culus Oo Durba Laga Dareemayo Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani, Iyo Gudoomiye Cirro Oo Maalmihii U Dambeeyay Gudka Ugu Galay Goobaha Uu Ku Tuhunsan Yahay Muuse Biixi DAAWO
Hargaysa 01. August 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maalmihii u dambeeyay Culayskii ugu badnaa saaray, islamarkaana dadaalkii ugu adkaa u jiheeyay Gobolada iyo Degmooyinka ay aaminsan yihiin inuu Taageero laxaadleh ku haysto Musharaxa Xisbi Xaakimka Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi,Waxaana Durba ay Goobo badan ka sameeyeen falal Kulmiye ka nixiyay, iyadoo sidoo kale Todobaadkii hore Xisbiga Ku soo dhaweeyay Taageerayaal miisaan leh oo ka soo jeeda Jufada Hoose ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Iyadoo Bilo koobani inaga xigaan Wakhtiga loo qoondeeyay qabsoomida Doorashadda Madaxxtooyada Somaliland,islamarkaana ay ku loolami doonaa Saddexda Musharax Madaxweyne ee ka kala Sharaxan Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye,WADDANI Iyo UCID ayaa waxa durba si gaar ah Magaalooyinka waa weyn iyo Gobolada Somaliland laga dareemayaa loolan culus oo ay si gaar ah isku beegsanayaan Labada Xisbi ee hadda ugu awooda badan,Waa Kulmiye Iyo Waddani,Waxaanu midba midka ka kale ka sheeganayaa libin iyagoo Munaasibado isdaba joog ah ku Qabanaya huteelada, islamarkaana ku doodayaa inuu midba midka kale ka hantiyay Taageerayaal Xisbiga kale taabacsanaa oo ka soo goostay,iyadoo sidoo kale ay Labadan Xisbi si weyn ugu loolamayaan oo laga dareemayo Goboladda iyo Degmooyinka Dalka,gaar ahaan goobaha codadka ugu badani ka soo xeroodaan ee dadka badani ku dhaqan yihiin.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maalmihii u dambeeyay godka ugu galay Xisbiga Kulmiye islamarkaana waxa uu dhoolatusyadii ugu balaadhnaa ka sameeyay Deegaamo badan oo la aaminsan yahay inuu taageero cududleh ku leeyahay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Waxa ay sidoo kale hantiyeen oo ay gacanta ku dhigeen Taageerayaal iyo Masuuliyiin cudud siyaasadeedleh oo ka soo jeeda Jufada Hoose ee Musharaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi,Kuwaasi oo ay munaasibad la isku arkay todobaadkan horaantiisii ugu qabteen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,Waxaanay arintaasi naxdin iyo anfariir ku riday Madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye,iyagoo jiif iyo joogba diiday, islamarkaana dhawr jeer isku dayay inay Munaasibadaasi fashiliyaan balse ay far yaro badix ka baxday.
Waxa ay sidoo kale Masuuliyiinta ugu sareeysa Ololaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Hujuun siyaasadeed oo bartilmaameedsan todobaadkan ku qaadeen Gobolka Mashquulka ah ee dadka badani ku nool yihiin ee Gabiley,Waxaanay ku guulaysteen inay taageerayaal taabacsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI dhoolatus iyo ismuujin ka sameeyaan kadib markii dhawaan Xafiisyo Xisbiga WADDANI uga furnaa Magaaladda Gabiley la qufashay arimo la xidhiidha sida la sheegay siyaasad,Waxa ay sidoo kale Gobolkaasi ka hantiyeen Taageerayaal Miisaan Culus ku lahaa Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo taageeradoodii u soo wareejiyay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Xisbiga WADDANI ayaa sidoo kale Duulaan Olole ah ku haya Degmooyin badan oo Xisbiga Kulmiye hore looga taageersanaa,gaar ahaan Degmooyinka ay ku dhaqan yihiin Beesha uu ka soo jeedo Musharaxa Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo ay xafiisyo Cusub iyo taageerayaal hor leh ka samaynayaan.
Waxaana Maalintii Shalay Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani ay Xafiisyo ka soo furteen kuna qaabileen taageerayaal ka soo digo rogtay Xisbiga Kulmiye Magaalooyinka Tog wajaale iyo Allay Baday ee Gobolka Gebilay.