|

Xukuumadda Oo Ka Fiirsanaysa Talaabadii Ay Ka Qaadi Lahayd Kooxo Dhalinyaro Ah Oo Aad U Hubaysan Oo Isku Hor Fadhiya Deegaanka Ceel Afweyn Oo Ciidamada Qaranku Ku Kala Dhex Jiro

Ceel-afweyn 01. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay qorshaynaysa nooca ay noqonayso Talaabada ay ka qaadi karto kooxo dhalinyaro ah oo aad u hubaysan oo ka soo kala jeeda Beelaha dirirtu ka dhex aloosan tahay ee Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag,Kuwaasi oo sida la sheegay dhagaha ka furaystay Baaqa Xukuumadda,iyo Digniinta Ciidanka qaranku u jeediyeen,waxaana ku kala dhex Jira Cutubyo Ciidanka Qaranka ka tirsan.

Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay inay Xukuumaddu ku mashquulsan tahay Talaabo adag oo la sheegay inay qaadayso Kooxahaasi dhalinyarta ah oo aad caadifaydaysan islamarkaana qayb ka ah Dagaalka iyo dhiigga soo noqnoqday ee Deegaanka Ceel Afweyn oo todobaadkii hore iska hor imaad uu dhex maray,waxaana sida la sheegay ay arintani ka dhalatay kadib markii uu Doraad Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Warbaahinta u sheegay inaanay Golihiisu dhex dhexaadin ka galin Beelaha ku dagaalamaya Deegaankaasi illaa Xaalada Amni ay Xukuumaddu wax ka qabanayso,oo ay dhaamayso sida ay wakhtigan tahay,isagoo sidoo kalena sheegay inay inuu hakiyay Gudi dhex dhexaadin ah oo Golaha ka tirsan oo u soocay inay Waan Nabadgalyo deegaankaasi u tagaan.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Dhalinyartani ay yihiin kuwo aad u hubaysan oo dhaarsan islamarkaana qaab qabiil loo ururiyay,waxaanay sida la sheegay kala degan yihiin goobo aad iskugu dhaw oo kawada tirsan Degmada Ceel Afweyn iyagoo ay kala dhex degan yihiin Ciidamo xoogan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland. Xogahan ayaa intaasi ku daray inay Dhalinyartani diideen,dhegahana ka furaysteen Digniino Ciidanka Qaranka iyo Xukuumaddu gaadhsiiyeen oo lagu wargaliyay inay Hubka dhigaan islamarkaana ay Deegamadooda kala qabtaan. Xukuumadda ayaa ka cabsi qabta in haddii ay Dhalinyartaasi ka qaado Talaabo dhiig ku daato ay xaalada Deegaankaasi cirka isku sii shareerto,balse sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyay,waxa ay Xukuumaddu diyaarinaysaa Talaabo Xanuun badan oo dhalinyartaasi laga qaado,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in heegan lagaliyay Ciidanka Qaranka,loona diyaariyay fulinta go’aankaasi si loo soo afmeero Colaada soo noqotay ee Deegaanka Ceel Afweyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu xalay ka helnay ayaa sheegay inay Jidad badan oo mihiim ahaa oo marin ah Gaadiidka iskaga kala goosha Gobolada Sanaag Iyo Togdheer colaadaasi saamaysay islamarkaana ay xidhmeen,cabsi ka jirta awgeed iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegay inay Dhalinyartaasi Hawlgalo ka fuliyeen Jidadkaasi.

Xigasho Wargayska Foore

Comments are closed