Maraykanka Oo Shaaciyey Inuu Duqeyn Ku Khaarajiyey Hogaamiye Sare Oo Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab
Muqdisho 01. August 2017 (SDN/QJ):- Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab.
“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaasoo ay ku dishay hogaamiye minted ahaa oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM oo intaa ku daray in wax dhibaato ah aysan dadka shicibka ah kasoo gaarin weerarkan.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow degaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya sida Warsaxafadeedka lagu sheegay ka dib markii iskaashi lala sameeyey xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabab oo ay ku jiraan weerarada uu ururkaasi dhawaan ku qaaday ciidanka Soomaaliya.
“Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aan la leenahay Soomaalida iyo xulufadeena si aan u burburino Al-Shabaab, isla markaana aan kaalin uga geysano deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maraykanku ma sheegin magaca hogaamiyaha ay dileen balse saraakiil ka tirsan sirdoonka Somalia oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegaya in ninka la dilay uu yahay Shiikh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.
Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin wararka arintan la xiriira, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya in sarkaalka la dilay uu yahay Cali Jabal.