|

Ma Og tahay in Dadka ugu Degenaanshaha badani ay Sacaadada helaan Markay Da’doodu Gaadho Ku Dhawaad 70 Jir!!!

London 01. August 2017 (SDN/QJ):- Daraasad ballaadhan oo ay Sameeyeen Khubaro Ingiriis ahi waxay ku muujiyeen in dadku ay ugu sacaado iyo xasilooni badan yihiin marka Cimrigoodu gaadho Lixdanka ilaa Todobaataneeyo ku dhowaadka.

Jariidada Gardiyan oo Derasadan dabacday ayaa waxay sheegtey in khubaradaasi ay daraasadooda k aka sameeyeen dad ila Saddex kun oo qof gaadhaya, waxaanay khubaradaasi ku Ogaadeen  darasadooda in qofku marka uu Gaadho da’da Tobaataneeya ku dhowaadka uu ugu deganaansho iyo sacaado iyo xasilooniba badan yihiin.

Derasaadan ayay khubaradani ugu dhaba galeen tiro dad mutadawiciina,kuwaasoo ay dad’doodu tahay lixdan ilaa iyo afar iyo Lixdan(60-64)Jir.Kuwasi oo Khibaradan deraasada sameeyey ay weydiiyeen su’aalo la xidhiidha xagga deganaanshaha iyo kalsoonida nafsaaniga ah ee ay dareensan yihiin halkasi oo ay uga soo baxday in Qofku marka uu ku dowaado da’da tobaataneeyada uu Deganaansho iyo kalsooni iyo raaxo nafsaaniya uu dareemo.

Waxayse khubaradu tilmaameen in dadka cimrigoodu todobaataneeyo ku dhowaadka yihiin ay inta badan ay ku yimaadaan xanuunada ay ka mid yihiin xanuunada xubnaha kala goysyada(Xaglaha) Macaanka iyo Cadaadiska dhiiga oo kaca(dhiig karka). Degtorisa May Staford oo ka tirsan Golaha Cilmi badhista Cafimaad Muddada Nolosha iyo Gabawga eeJaamacadda LONDON ayaa waxay sheegtey in Cilmi baadhisaha ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qofku ugu sacaado iyo deganaansho weyn yahay marka cimri ahaan uu Luixdanka  gaadho. Waxaanay ntaa ku la dhay inay Cilmi baadhisahani u sameeyeen si loo ogaado isbedeladda qofku uu marayo Muddada uu nool yahay iyo isbebedelka noloshiisa la xidhiidha.

Daraasado kale oo la sameeyeyna waxay tilmaamayaan in werwer la’aantu ay cimriga dheereyso Werwerba badanina Cimri gaabni uu keeno.

Khubaradani waxay deraasadooda ku soo Gunaanadeen in deganaanshaha  Sacaadada iyo werwer yaraantu ay cimri dherer keento Werwerka iyo Cidhiidhiga Nafsaaniga ahina uu keeno cimri gaabni qofka ku timaada.

Comments are closed