Kenya: Mas’uul Sare oo Ka Tirsan Komiishanka Doorashooyinka Kenya oo La Dilay Xili 7 Cisho ay ka Hadhay Doorashadii Madaxtinimo & Mucaaridka oo ku dooday in Xukuumadu Doorashada ku Shubanayso
Nairobi 01. August 2017 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo ka tirsan guddida doorashooyinka Kiiniya ayaa laga helay meydkiisii, meel ka baxsan caasimada Kiiniya ee Nayroobi.
Sida u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kiiniya, sarkaalkan oo ah nin qaabilsan inuu kormeero qalabka Elegtrooniga ee uu ku shaqeynayo hannaanka codeynta doorshada Kiiniya, ayaa la helay meydkiisa oo ay ka muuqato jidh-dil iyo dhaawacyo.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinku wuxuu intaasi ku daray in aanu shaki ku jirin in masuulkan la diley, balse su’aashu waxa ay tahay yaa diley iyo sababtee loo dilay.
Dilkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay 7 cisho ka hadhay doorashadii guud ee dalka Kiiniya ka dhacaysaa.
Markii ugu dambaysay ee la arkay masuulkan la dilay ayaa ahayd jimcihii isaga oo fariin u soo diray saaxiibadii uu ku sheegayo inuu fiican yahay aanu caafimaad qabo,balse wixii intaasi ka dambeeyey wax war ah lagama helin. Dad joobjoogeyaal ayaa sheegay in meydka masuulkan iyo haweenay meyd iyana ahayd laga helay Kiambu oo ah deegaan kaymo badan, una dhaw caasimada Kiiniya ee Nayroobi.
Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Right Watch ayaa war qoraal ah ku sheegtay in si deg deg ah la baadho sababta keentay dilka masuulkan. Xubaha mucaaradka ayaa ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kuwa doonaya inay doorashada boobaan.