Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Saraakiil Ciidan oo Wehelisa oo Qaadacay Deegaamayn Cusub oo laga samaynayay Gobolka Sool
Laascaanood 30. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamadda Qaranka Iyo Booliska ayaa Kormeer ku tegay Deegamada Bali Hadhac,Iyo Dhaban saar oo hawd kaga beegan Magaaladda Laascaanood.
Ujeedada Kormeerka Gudoomiyaha Iyo Saraakiisha Wehelinaysay ayaa la Xidhiidhay Sidii ay u Joojin lahaayeen Deegaamayn Cusub oo laga samaynayo Jiida labadaas Tuulo.
Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir Waxa uu la hadlay Bulshada ku dhaqan Deegaanada Bali Hadhac iyo Dhaban Saar waxaanu u sheegay in iyadoo la fulinayo Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay reeban tahay in Deegaamayn Cusub laga sameeyo Jiida labadaasi Tuulo waxaanu xusay in aanay bannaanayn in dhulka xoolo daaqeenka ah la ooto.
Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir Waxaa Kale oo uu ku baraarujiyey dadweynaha ku nool deegaankaasi inay Gacmaha isu qabsadaaan ilaalinta Nabadgalyada halka uu sidoo kalena ku booriyey inay isu diyaariyaan hawlgalka qaadashadda Kaadhka Codbixiyaha oo Bisha soo socota ka bilaabmi doona Guud ahaan Gobolka Sool.
Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaamadda Balli Hadhac iyo Dhaban Saar ayaa dhankooda sheegay inay u hogaansamayaan go’aanka ka soo baxay Xukuumadda dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Sool Waxaa Kormeerkan ku Wehelinayay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool, Iyo Abaanduulayaasha Ciidamadda Qaranka ee qaybaha 7aad iyo 31aad.