|

Qaliin Aad U Layaab Badan Oo Ay Fuliyeen Dhakhaatiirta Dalka Hindiya & Bukaanka Qalliinku ku Socdo oo Giitaar (Kaman) Iska Tumanaya!

Delhi 30. July 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiir Dalka Hindiya qaarkood ayaa fuliyey Qaliin aad u layaab badan oo aan hore loo arag, qaliinkaasi oo lagu fuliyey mid ka mid ah Fannaaniinta Dalkaasi ee ku caan baxay garraacista aalada loo yaqaano Giitaarka oo ay soo waajahday dhibaato dhinaca Maskaxda ah oo khakhal ku riday Xiddido ka mid ah kuwa maskaxda, taasi oo sababtay inuu awood u waayo kala saarida noocyada kala duwan ee Muusiga.

Ninkan qaliinka lagu fuliyay oo magaciisa la yidhaahdo Abishik Prasad Da’diisuna tahay 37 jir ayaa waxa uu tumayay Giitaarka xilli ay Dhakhaatiirtu ku guda jireen qaliinka ay ku wadeen Maskaxdiisu waxaanu intii uu qaliinka ku guda jiray dareemayey farxad, maadaama oo uu garraacayo aalad uu aad u jecel yahay, arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay noqotay in qaliinkaasi lagu fuliyay iyada oo aan la suuxin.

Dhakhaatiirta qaliinkan fuliyay waxa kale oo ay sheegeen in qaliinkani uu u fududeeyay sidii ay si toos ah u ogaan lahaayeen xiddida maskaxda ee ka masuulka ah kala saarista noocyada kala duwan ee Muusiga, dhinaca kalena, Cusbitaalka qaliinkan lagu fuliyay oo magaciisa la yidhaahdo Bhagavan Mahfir Jain kuna yaalla Magaalada Bengaluru ayaa sheegay in qaliinkani uu yahay kii siddeedaad ee ka dhacay Adduunka iyada oo aan la suuxin Qofka la qalayo.

Comments are closed