|

Haweenay Isku Dayday Inay Sharci Darro Ku Galiso Dalka China Teleefano Iphone Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay !

Shenzhen 30. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka China ayaa had iyo jeer Diirada ku haya Dadka isku daya inay si sharci daro ah Dalkaasi wax u galiyaan, haddaba ciidammada Cashuuraha ee  Dalkaasi ayaa waxay gacanta ku dhigeen haweenay isku dayday inay 102 Telefoon oo kuwa gacanta ah ay galiso Dalkaasi isla markaana si sharci daro ah ugu soo dhex qarisay dharkii ay gashanayd, mid ka mid ah ciidammada Cashuuraha Dalkaasi oo ka hawl gala Shenzhen ee Koonfurta Dalkaasi ayaa waxa uu mar qudha isha ku dhuftay haweenay gashan dhar culus oo sida uu sheegay aan suurta gal ahayn in la xidho xilliga xaggaaga askarigan ayaa isla markiiba bilaabay inuu  baadho haweenaydan waxaana laga helay teleefano Iphone ah oo tiradooda dhan tahay 102 teleefan iyo sidoo kale saacado aad qaalli u ah.

Sidoo kale warbixin ku saabsan haweenaydan sida sharci darrada ah u tahriibinaysa teleefanadaasi oo lagu soo bandhigay barta Apple Insider ayaa waxa lagu cadeeyay in miisaanka teleefanada iyo alaabta kale ee ay haweenaydaasi jidhkeeda ku soo xidhxidhay uu yahay 20Kg.

Dawlada China ayaa waxay had iyo jeer la dagaalantaa taleefanada Iphon-ka ah ee laga keeno dhinaca Hong Kong halkaasi oo dadka soo tahriibiyaa marka ay soo galiyaan Dalka china ay qiimo aad u jaban ku iibiyaan taasi oo sabab u noqotay in ay ku dhiiradaan dadku inay ku dedaalan inay si sharci daro ah ugu soo galiyaan halkaasi.

Comments are closed