Xarakada Al-shabaab Oo Soo Saartay Digniin Cusub Oo Ku Socota Shacabka Dalka Kenya
Nairobi 30. July 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay Video loogu digay Shacabka dalka Kenya inay ka qeyb galaan Doorashada ka dhaceysa dalkaas dhowaan.
Sarkaal lagu Magacaabo Axmed Iimaan Cali oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ka mid Ajaanibta la joogta shabaab ee ka soo jeeda Kenya oo ka soo muuqday Video-gaas ay sheegay in doorashada ka dhaceysa dalkaas ay tahay mid xaaraan ah.
Axmed Iimaan ayaa sheegay in cidii ka qeyb qaadata doorashada Kenya ee codkooda dhiibata talaabo laga qaadi doono, wuxuuna dadka ugu baaqayn iney guryahooda joogaan.
Kenya waxaa ka dhici doonta 8-da bisha August ee inagu soo fooda leh,iyadoo doorashada Guud ee wadanka Kenya Afartii sanaba mar la qabto.
Saraakiisha amaanka Kenya ayaa horey u sheegay iney ka feejigan yihiin weeraro Al-shabaab ay ka geysato dalkaas inta ay socota doorashada, waxayna balan-qaadeen iney xaqiijin doonaana amaanka dadka codbixinta u soo bixi doona.
Al-shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay waxay gudaha dalka Kenya ka fuliyeen weeraro badan oo lagu hoobtay, waxaana ugu darnaa ay ka dhaceen Westgate Mall, jaamacada Garisa iyo degaan xeebeedka Lamu.