|

Weli Ma aragtay Kalluun Duulaya oo Hawada Ka Ugaadhsanaya?

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Kalluunka oo ka mid ah noolaha ku dhex nool Badda ayaa quudkiisa ka raadsada isla badda dhexdeeda, balse muuqaal laga soo duubay badda midhatareeniyanka ee dalkaasi Masar ayaa muujiyay mucjiso aad u layaab badan oo ah in baddaasi lagu arkay Kalluun Duulaya oo hawada ka ugaadhsanaya.

Dhacdadan oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa Sayid Maxamuud oo ah khabiir ku takhasusay Calimga badda ayaa waxa uu cadeeyay in kalluunkaasi magaciisa la yidhaahdo Tuna waxaanu caddeeyay in Kalluunka Tuna uu ugaadhsado kalluunada yar yar isla markaana uu ka daba duulo oo uu hawada ku qabto, arrintan ayaa waxay tusaale u tahay awoodaha waaweyn ee Ilaahay SWT ee kala duwan, kuwaasi oo marka kasta uu aadamuhu uu horumar gaadho had iyo jeer ay jiraan arrimo uu ka jaahil yahay waayo, Cilmiga dhameyskatirani waxa uu u sugnaaday Ilaahay SWT.

Comments are closed