|

Madaxweyne Farmaajo oo Guddi u Saaray Isku Dhacii Muqdisho Ku Dhex-maray Ciidamada Dawladda Federaalka Somalia ee Khasaaraha sababay DAAWO

Muqdisho 28. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray isku-dhacyadii dhexmaray ciidammo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Isku dhacyadii ciidamada dhexmaray waxaa ku geeryooday ku dhawaad shan askari halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Mid kamid ah iska hor imaadyada waxaa uu ka dhacay nawaxiga xaruunta Murtida iyo Madadaalada ee National Threat, waxaana lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).

Madaxwayne Farmaajo ayaa u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka Qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed