|

Israa’il oo Cadaysay inay Joojisay Wax ka Bedel ay rabtay inay ku samayso Masjidka Qudus ee Barakaysan & Iimaamka Masjidkaas oo ka hadlay Gadoodka Falastiiniyiinta

Quddus 28. July 2017 (SDN/QJ):- Booliska Israa’iil Waxa Ay Ku Dhawaaqeen Inay Joojiyeen Dhamaan Talaabooyinkii Ammaanka Ee Ay Ka Hayeen Gudaha Masaajidka Alqudus, Isla Markaana Ay Ka Fureen Agabkii Kala Duwanaa Ee Ay Albaabadiisa Ku Xidheen.


Israa’iiliyiintu Waxa Ay Intaa Ku Dareen In Ilaalinta Ammaanka Masaajidka Lagu Celiyey Qaabkiisii Hore Ee Uu Ahaa Waxii Ka Horeeyey 14 Bishan July.
Iiimaamka Muslimiinta Ee Masaajidka Barakaysan Ee Al-Quddus Sh Cumar Alkiswani Ayaa Dhankiisa Waxa Uu Sheegay Inay Shacabka Falastiiniyiintu Ku Khasbeen Gumaysiga Yuhuuda Inay Dib Uga Laabtaan Falalkii Ay Ku Hagardaamaynayeen Masaajidka Iyo Dadka Musalliinta Ahba.

Comments are closed