|

28 Qof oo Ku dhintay Duqaymo isbahaysiga Maraykanku ka fuliyeen Xaafadaha Magaaladda Raqqa ee Dalka Suuriya

Raqqa 28. July 2017 (SDN/QJ):- Hawl-Wadeenada Ka Tirsan Hay’adaha Xuquuqul Aadanaha Ee Suuriya Ayaa Sheegay In 24-kii Saacadood Ee Ugu Dambeeyey Ay Ugu Yaraan 28 Qof Ku Dhinteen Weerar Dhanka Cirka Ah Oo Ay Isbaahaysiga Maraykanku Hogaamiyaa Ku Qaadeen Xaafadaha Ay Weli Gacanta Ku Hayaan Kooxda Daacish Ee Bariga Magaalada Raqqa Ee Dalka Suuriya.


Telefishinka Maraykanka Ee Al-Xorra Ayaa Baahiyey In Maleeshiyaadka Mucaaradka Suuriya Ee Ay Taageeraan Maraykanku Ay Qabsadeen Xaafadaha Koonfureed Ee Magaaladaasi Raqqa.
Sida La Ogyahay Magaalada Raqqa Oo Ah Xarunta Guud Ee Ururka Dawlada Islaamiga Ah Waxa Ay Dagaalada Dhinaca Dhulku Ka Soconayaan Muddo Labo Bilood Ku Dhow, Halkaas Oo Maleeshiyaadka Loo Yaqaano Ciidamada Suuriya Ee Dimuqraadiga Oo Ay Dusha Ka Taageerayaan Xulafada Milateri Ee Labaatameeyada Dawladood Ka Koobani Ay Dagaal Fool Ka Fool Ah Magaaladaa Kula Galeen Dagaalyahanada Ururka Daacish.

Comments are closed