|

Midowga Yurub Oo Sheegay In La Is-dhex Wadayo Nabadaynta Soomaaliya, Wada-hadallada Somaliland Iyo Qorsheyaasha Uu Soo Bandhigay Ergeygooda Muqdisho DAAWO

Hargaysa 27. July 2017 (SDN/QJ):- Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Gabadha Magaceedu yahay Veronique Lorenzo, ayaa ka hadashay Sababta loo xidhay Xafiiskii Midowga Yurub ku lahaa Somaliland, Horumarka dhinaca Dawlad-dhiska ee Somaliland iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Danjiraha Midowga Yurub oo Hargeysa kaga qayb-gashay furitaanka Carwada Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo Sannad walba hal mar la qabto, ayaa Wareysi uu la yeeshay Telefiishanka HCTV, waxay kaga hadashay sida Midowga Yurub uu Soomaaliya iyo Somaliland ugu qaybiyo Deeqaha uu bixiyo.

Ergayga oo ugu horreyn ka hadlaysa sababta sannadkii hore loo xidhay Xafiiskii Midowga Yurub ku lahaa Hargeysa ayaa tidhi “Waa Muhiim in Sharraxaad laga bixiyo dhab ahaan sababtii loo xidhay, waxa loo xidhay Arrin Xagga maamulka ah dhammaadka Sannadkii 2016-kii, laakiin Midowga Yurub wuu joogaa Somaliland, xataa imika waxaanu ku leenahay Xafiiska UKAP oo ah Hawl-galka Dalalka Reer Yurub ay Xubnaha ka yihiin ee Qaabilsan Ammaanka badaha, iyaga ayaana na siiya Xogta, guud ahaan kama maqnin Somaliland, waxaanan kuu sheegayaa inaanu xoojin doono joogitaankayag halkan, waxaanuna wadnaa inaanu xoojinno Xidhiidhka aanu la leenahay Somaliland.”

Danjire Veronique Lorenzo oo la waydiiyey siday u qaybiyaan Deeqaha ay siiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku jawaabtay  “Waxa la qoondeeyaa way isku jiraan, marka hore waxa loo qoondeeyaa Soomaaliya, boqolkiiba 35 ayaa loogu talo-galaa Somaliland oo waxa la eegayaa Tirada Dadka. Fikir aan kaa siiyo, Labaatan Barnaamij ayaa socda, waxaanu haynaa 17 Milyan oo Euro, 14 Milyan waxaanu ugu talo-galnay Mashaariicda Horumarinta, sida Shaqo-abuurka, waana qayb-libaax oo ka mid ah kaalmadayada. Waxaan kuu sheegayaa waxaanu qabanaa laba Qaybood oo kale, ta koowaad waxaanu taageernaa Hay’adaha Dawladda, waana maaraynta Maaliyadda, Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, qayb kale oo la taageeraana waa Waxbarashada.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay ka hadashay Guusha Somaliland ka gaadhay Nidaamka Dawladnimo iyo Doorashooyinka, “Waa Muhiim guusha ay gaadhay Somaliland 27-kii sannadood ee u dambeeyay, waana wax la xusi karayo dhismaha Hay’adaha Dawladda iyo dhismaha Qaranka iyo in meel la iskugu keeno Dad kala qayb-sanaa Run ahaan, iyadoo la ogyahay in aanay wax kaalmo ah dibadda ka helin guud ahaanba, waxayna muujinaysaa inay kala-qaybsanaani jirto waana sida ay tahay Soomaaliya. Dastuurka Federaalku wuxuu koobayaa Lix Gobol, waxaana hoggaamisa Muqdisho, waxaana jira wax lagu kala duwan yahay, waxaana soo noqonaya wax isku mid ah oo muujinaya inaan Muqdisho soo rogi karin Midnimo ka timaadda xagga sare, waxaana la ogyahay inay jiraan Gobolladani (Somaliland) waana inay Heshiis kasta oo Siyaasadeed ay ka wada xaajoodaan Gobollada uu u dhexeeyo.”

Ergayga oo la waydiiyey in Midowga Yurub uu dhiiri-gelinayo inay Wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay marka hore tahay in Soomaaliya gudaheeda ka hagaagto, ayaa ku jawaabtay “Maya, waa inay labaduba mar wada dhacaan (Xasilinta Gudaha Soomaaliya iyo Wada-hadallada Somaliland), Waayo? waxa jira Mabda’ la adeegsanayo si loo dhiso Soomaaliya Waarta Mustaqbalka, si looga wada-shaqeeyo Colaadaha oo looga wada-shaqeeyo Dhabbaha Dib u heshiisiinta. Dib u heshiisiintu waa inay yeelataa Heer Gobol iyo Heer walba, waana inay u dhaxaysaa Soomaaliya iyo Somaliland, dib u heshiisiinta Qaranku waxay aasaas u noqonaysaa deganaanshaha Mustaqbalka.”

Ugu dambayn, Ergayga Midowga Yurub oo la waydiiyey in Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Sannadkan dhacaysaa ay horseedi karto in Midowga Yurub Aqoonsado Somaliland, ayaa ku jawaabtay “Doorashooyinkani waa kuwa muhiim ah, oo muhiim u ah inay Somaliland sii joogto heerka ay gaadhay 27-kii Sannadood ee u dambeeyay, waana Sumcad wanaagsan haddii Doorashooyinkani u socdaan sidaynu wada rejaynayno. Waanu sii wadaynaynaa inaanu ahaano Saaxiib wanaagsan oo la shaqeeya Somaliland, laakiin Shaqadayada maaha inaanu aqoonsanno, laakiin waxaan kuu sheegayaa in laga midho-dhalinayo Wada-hadalka Qaran (Soomaaliya iyo Somaliland)..”ayay tidhi Danjire Veronique Lorenzo.

Comments are closed