|

Maayerka Magaaladda Boorama Muxuu Ka Yidhi Iibinta Gurigii Badhasaabka Awdal & Khilaaf la sheegay inuu ka Taagan yahay Golaha Deegaanka ee uu Hogaamiyo?

Boorama 27. July 2017 (SDN/QJ):- Maayerka magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa meesha ka saaray jiritaanka Warar sheegayey in la iibiyey Gurigii Badhasaabka gobolka Awdal ee magaaladaas ku yaallay oo toddobaadkan la baahiyey, isla markaana waxxa uu sheegay in aanay jir Cashuur dheeraad ah oo lagu soo rogay Ganacsatada Jaadka ama Qaadka.

Maayer Maydhane sidoo kale waxa uu ku dooday in aanu jirin0khilaaf la sheegay inuu ka dhex alloosan yahay Mudanayaasha Golaha deegaanka xilligan. Maayerka oo shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Boorama, arrimahaasna ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Wixii dawladda dhexe leedahay inaad dawladda dhexe weydiisaan baa habboon. Wixii dawladda hoose maamushana inaad iyada wax ka weydiisan. Markaa, waxaan leeyahay Guri Badhaasab leeyahay oo la iibiyay ma jiro, Warkaasna waxba kama jiraan oo wax Aniga i horyimi oo aan hayaa ma jirto. Wax khilaaf la yidhaahdo oo Boorama ka jiraana haba-yaraatee  ma jiro.”

Waxa kale oo uu Maayerka Boorama oo Su’aal laga weydiiyey inay jirto Cashuur ay ku kordhiyeen ama ku kordhinayaan Ganacsatada Jaadka ee magaaladaas, isla markaana lagu eedeeyey inay Maayer ahaan Jeebkiisa dib ugu dhacdo iyo waxa uu iskaga difaacayo, waxa uu ku jawaabay; “Dee horta, taasaa denbi ah jeebkaaga dib uga dhacda ah, illayn waxa lagu jaraa Cashuurta Rasiidh dawladeede. Markaa, Cashuurta waxaan sharci ahayn maba qaadi karno oo awood-ba uma lihin oo wixii sharcigu dhigayo ayuun baa la qaada.”

Hase-yeeshee, Toddoba ka tirsan Ganacsadayaasha Jaadka ee Boorama, ayaa illaa shalay ku xidhan Saldhigga Booliska Boorama, sida uu Shabakadda Wararka ee Waaheen.com u xaqiijiyey Maxamuud Cilmi Gaafane oo ka tirsan Ganacsadayaasha Qaadlayaasha ah ee lagu xidhay Boorama.

“Waxa aan ku xidhanahay 7 Ganacsatada Jaadka ee magaalada Boorama ah, dhammaantayo waxa na soo xidhay Maayerka Boorama, Annaga oo Shaqaysanayna oo hawl ku jirna, ayaa Ciidanku na soo duubeen, si anshaxa ka baxsanna waa naloo soo xidhay, waxaana la leeyahay waxa aad u xidhan tihiin arrin la xidhiidha Cashuuro Qaadlayda ku waajibay. Mana jirto wax cashuur ah oo nagu baaqatay oo aannu bixin waynay.”

“Waxa aan nahay muwaadiniin cashuur bixiyayaal ah, waan bixinaa, lacagtii cashuurta ee maaliyada, waan bixinaa lacagtii xashiishka ee Dawlada hoose, xitaa waxa aan bixinaa lacag kale oo dhan 7000 kun oo shilin oo miis walba ay dawlada hoose dhawaan ku soo rogtay, sidaas darted ma jirto wax cashuur ah oo nagu baaqatay, waxana aan u aragnaa Marmarsiiyo lagu xumaynayo sumcadayada iyo ganacsigayaga hawsha cashuur diidka ah ee ay leedahay D/hoose waxa aan u xidhxidhnay Ganacsatadan Qaadka.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Cilmi Gaafane. Balse, Maayerka Boorama ma qirin xadhigga Toddobadaas Muwaaddin ee Qaadka ka Ganacsan jiray.

Comments are closed