|

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Diiday Dooddii Loo Qabtay Isaga Iyo Murashaxa Madaxweyne ee Raila Odinga iyo Sababta oo la cadeeyay

Nairobi 27. July 2017 (SDN/QJ):- Xili laba toddobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha dalka Kenya, ayaa dadweynaha waxa habeenkii isniinta daawadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo kaligiis doodaya, kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu iman waayey.

Kooxda madaxweyne Kenyatta ayaa sheegtay inuusan ka qeyb galin doodda, sababtuna ay tahay ayaga oo aan ku faraxsaneyn qaabka dooda loo qorsheeyey iyo xeerarkeeda.

 

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu shacabka si toos ah ula hadli doono, islamarkaana uu qorsheynayo inuu ka hadlo 40 radio oo ku yaalla Kenya, ka hor inta aysan doorashada dhicin.

 

Odinga ayaa muddo 90 daqiiqo ah ka jawaabayey su’aalo ay weydiinayeen labadii qof ee doodda dhex dhexaadinayey.

 

“Waxaan u ordayaa sababta oo ah waxaa iga go’an inaan beddelo dalkan. Waxaan matalaa is-beddelka” ayuu yiri Raila Odinga.

 

Odinga ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono heerka qiimaha nolosha ee sare usii kacaya, islamarkaana uu la dagaalami doono musuq-maasuqa.

Comments are closed