|

Maxkamadda Midawga Yurub oo Go’aan Adag ka gaadhay Qaxootiga iyo Tahriibayaasha Ku Qulqulaya Qaaraddaas – Warbixin

Luxembourg 27. July 2017 (SDN/QJ):-  Maxkamadda Cadaaladda ee Midawga Yurub, ayaa xukuntay in Dadka Magan-gelyo-doonka ah (Muhaajiriinta) Dacwadahooda laga xareeyo dalka ugu horreeya ee ka tirsan Midowga Yurub ee ay ka galaan Qaaradda Yurub.

 

Intii uu socday Qulqulka Qaxootiga Tahriibaya ee 2015 iyo 2016, ayaa xuduudaha la isu furay, iyadoo Dad badanna ay magangelyo ka dalbadeen dalal kale. Maxkamaddu waxay oggolaatay doodda dalalka Austria iyo Slovenia ee ah inay xaq u leeyihiin inay dib ugu celiyaan dadka magangelyo-doonka ah halka ay Yurub ka soo galaan.

Arrinta xuddunta u ah kiiskan, ayaa ah haddii shuruucda Midowga Yurub ee magan-gelyo-doonka, ee loo yaqaanno xeerka Dublin, lagu dhaqi karo xaaladahaas aan caadiga ahayn. Qaxootiga ayaa waxay tahay inay magan-gelyo weydiistaan dalka ugu horreeya ee Midowga Yurub ka tirsan ee ay tagaan.

 

Mushaakilka ayaa dibedda u soo baxay xagaagii 2015, markaasoo hal malyan oo isugu jira muhaajiriin iyo qaxooti ay dhex qaadeen dalalka Galbeedka Balkanka. Jarmalka, ayaa ka hakiyey xeerka Dublin Qaxootiga ka yimid Suuriya, wuxuuna sidoo kale hakiyey in dib loogu celiyo dalalka ay ka soo dhul bilaabeen.

 

Laga soo bilaabo bishii Agoosto 2015, boqollaal – mararka qaarna kumanaan qof – ayaa gaarayay Austria maalin kasta, kuwaasoo soo maray Hungary, ka dibna Slovenia. Badidood waxay rabeen inay Jarmalka tagaan, laakin qiyaastii 90,000 oo ka mid ah ayaa magangalyo weydiistay Austria.

 

Waxaa ka mid ahaa laba gabdhood oo reer Afghanistan ah oo walaalo ah – Khadija iyo Zaynab Jafari – iyo carruurtooda, kuwaasoo gaaray xudduudda Austria Febraayo 2016. Kiiska Gabdhahaas iyo mid la mid ah oo ka dhacay Slovenia waxaa la horgeeyey Maxakamadda Cadaaladda ee Yurub ee xarunteedu tahay magaalada Luxembourg ee waddanka Jarmalka.

Sida uu sheegayo Stephan Klammer oo ah qareen ka socda hay’adda khayriyada ee Diakonie, xukunka wuxuu saamayn ku yeelan doonaa boqolaal magangalyo doon ah oo lagu celiyey Croatia.

 

Arrin kale oo iyadana arrimahan xiriir la leh ayaa ah talo uu soo jeediyey la taliye sare oo ka tirsan maxkamadda oo sheegaya in xaakimiintu aqbaleen qorshaha Midowga Yurub ee ah in dalal kale la dejiyo dadka magangelyo-doonka ah ee Yurub ka gala waddamada Giriigga iyo Talyaaniga.

Comments are closed