|

Jaamacadda Carabta oo Maanta Kulan Deg Deg ah ka Yeelanaya Xaalada adag ee Soo Food saartay Magaaladda Quddus oo Israa’il ay Go’doomisay

Qaahira 27. July 2017 (SDN/QJ):- Jaamacada carabta ayaa kulan degdeg ah oo heerka wasiirada Arimaha Dibada ah waxa ay yeelan doonaan Maanta oo Khamiis ah kaas oo lagaga wadahadlayo xaalada adag ee soo foodsaartay Magaalada Quddus iyo masjidka Al-aqsa oo ay israa’iil ku hayso go’doomin iyo hagardaamo.

Kulankan oo ay dalbatay Dawlada urdun waxaa shir gudoomin doona dalka Aljeeriya oo haatan haya Gudoomiyanimada  sanadlaha ah ee Ururka jaamacada carabta

Wakiilka jaamacada carabta u qaabilsan arimaha falastiin iyo masaajidka baytul qudus  Siciid Abu cali ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira waxa uu saxaafadda u sheegay in kulankan degdega ah ee jaamacada carabtu yeelan doonto khamiista maanta ka dib xadgudubyada ka dhanka ah masjidka barakaysan iyo magaalada Quddus ee ay israa’iil waday maalamhii la soo dhaafay, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin talaabooyinkii ugu xumaa ee ay israa’iil ku waxyeelayso masaajidkaasi iyo dadka ku tukanaya, ka dib markii ay kamaradaha wax baadha iyo agab kale oo elctronico ah ku xidhay albaabada laga galo masaajidka.

kulankani waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay falastiiniyiinta reer Qudus sii wadaan inay ku tukadaan masaajidka banaankiisa, xadgudubyana ay kala kulmayaan dhanka ciidamada israa’iil.

Comments are closed