|

Sadex Hay’adood oo Qaramadda Midoobay ah oo Walaac Xoogan ka Muujiyey Macluul baahsan oo ku timaada Dalka Yemen ee Qalalaasaha dagaal ku Jira

Sanca 27. July 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha UNICEF,WFP iyo WHO  ayaa ka digay in macaluul ballaadhini ka dillaacdo dalka Yeman haddii aan gargaar deg-deg ah loola gaadhin dalkaasi uu la degay dagaalka sokeeye.

Hay’adahan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in loo baahan yahay in la libin laabo gargaarka loo fidiyo dadka ku tabaalaysan dagaalada dalka yeman ka socda, kuwaasi oo ay sheegeen hadii aan la kordhin kaalmada dadka la siiyo ay halis ugu jiraan in macaluul baahasani ay ku habsato.

Agaasimayaasha fulinta hay’adaha UNICEF,WFP iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO  ayaa Bayaan ay wada jir uga soo saareen oo ay ku qabteen xafiiska hay’adda UNICEF ee Camaan waxay ka deyriyeen xaaladda Bani aadanimo ee ay ku soo arkeen dalka yeman, waxaanay sheegeen in xaaladda dadka tabaalaysani ay ka sii dari doonto haddii gargaarka la siiyo aan dhakhso loo kordhin.

Waxa kale oo ay Madaxda hay’adahaasi ka deyriyeen xaaladda Koleeraha dalkasi ka dillaacay waxaanay sheegeen in Saddexdii bilood ee ugu danbeeyey la diiwaan geliyey ilaa Afar boqol oo kun oo Xaaladood oo ah Cudurka koleeraha, kaas oo ay sheegeen in uu galaaftay ilaa kun iyo sagaal boqol oo qof dad ku dhaw .

Comments are closed