|

Masar: Saddex Wiilal Oo Walaalo Ah Oo Haweenay Ku Dilay Baakidh Sigaar Ah !

Riyadh 27. July 2017 (SDN/QJ):- Falalka aadka u foosha xun ee ka dhex taagan bulshada ku dhaqan Dalka Masar ayaa ah kuwa aan loo adkaysan Karin, iyadoo Dalkaasi ay ka dhacaan falal aad u fool xun oo ka baxsan aadminnimada waxaana suurto gal ah in qof uu noloshiisa ku waayo waxaan macno lahayn.

Saddex Nin oo walaalo ah kuna nool magaalada Siidi Saalim ee Dalkaasi Masar ayaa waxay si arxan darro ah ku garaaceen haweenay magaceeda la yidhaahdo Cabiir Ahmed Khaliil oo maamule ka ah Super Market ku yaalla magaaladaasi Cabiir oo Da’deedu tahay 37 jir ayaa waxa u soo galay saddex nin oo walaalo ah isla markaana wada socday waxaanay ku amreen inay siiso Baakidh sigaar ah, iyagoo u sheegay in aanay haba yaraatee waxa lacag ah u hayn, Super Market-ka ay Cabiir maamusho waxa iska leh Seedigeed awoodna uma laha inay bixiso waxaan laga iibsan, waxa aanay ugu jawaabtay in aanay bixin Karin oo ay ku adag tahay oo aanay awood u lahayn inay siiso Baakidh Sigaar ah oo bilaa lacag ah.

Cabiir, markii ay jawaabtaasi bixinaysay may filanayn in gacanta la saari doono amase dhibaato la gaadhsiin doono, balse wiilashii walaalaha ahaa ayaa waxay xoog  ku qaateen baakidhkii sigaarka ahaa markii ay Cabiir isku dayday inay ka qaadana waxay ku bilaabeen feedh iyo garaac, sidaa awgeedna Cabiir waxa gaadhay dhaawacyo aad u culus waxaana la dhigay Dhakhtar ku yaalla Magaaladaasi Siisi Saalim.

Ciidammada ammaanka magaaladaasi ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen hal wiil oo ka mid ah saddexdii wiil ee falkaasi ku kacay halka labadii kale ee falkaasi ku wehelinayay ilaa iyo haatan la raadinayo, falalka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa ku soo badanaya gudaha Dalkaasi Masar, taasoo aan la garanayn ilaa iyo haatan sababta ku kalifaysa Da’yarta inay falalkan oo kale ku kacaan.

Comments are closed