|

Madaxweynaha Iran oo Balanqaaday inay Jawaabta Ku Haboon Ka Bixin doonaan Cunaqabataynta Cusub ee Kongarayska Maraykanku ansixiyey in Iran lagu soo rogo & Mawqifka Ruushka iyo Midowga Yurub

Tehran 27. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka iran Xasan rooxaani ayaa sheegay inay jawaabta ku habboon ka bixin doonaan cunoqabataynta cusub ee ay Golaha Kongareeska Maraykanku ansixiyeen in lagu soo rogo jamhuuriyada Iran.

Madaxweyne Rooxaani oo ka dib fadhi ay yeelatay xukuumadiisu la hadlay wakaalada wararka ee DPA ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadayaan dhismaha saanada difaaca milateriga ee wadankiisa iyagoo aan eegaynin aragtiyo ay dad kale qabaan amaba cunoqabatayn kale oo ay maraykanku saaraan.

Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Maraykanka ayaa maalmo ka hor shaacisay inay cunaqabatayn ku soo rogeen ururo iyo shaqsiyaad tiradoodu gaadhayso 18, kuwaas oo ay Maraykanku ku eedaynayaan inay gacan ka gaysteen barnaamijka horumarinta gantaalaha ridada dheer ee Dalka iran, taasoo dhalisay inay habeen hore Golaha Kongareeska ee maraykanku ansixiyaan cunoqabatayn cusub oo la saarayo Dalalka Iran, Ruushka iyo Kuuriyada waqooyi.

 

Dhanka kalena Afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha dibada ee Dalka ruushka ayaa si adag u dhaliilay cunoqabataynta cusub ee maraykanku ku soo rogeen wadankiisa, waxana uu xusay inay dawlada ruushku qaadi doonto talaabooyinka ay u aragto inay lagama maarmaan yihiin si ay jawaab uga bixiso go’aanka cunaqabataynta Maraykanka.

Midowga yurub ayaa iyaguna waxa ay diideen cunoqabataynta uu maraykanku xiligan saarayo dalalka Ruushka iyo iran, iyadoo hadal ay soo saartay wasaarada Arimaha dibada ee Dalka faransiiska lagu sheegay in cunaqabataynta golaha koongareeska Maraykanku ay xiligan saareen Ruushka iyo iran ay tahay mid khilaafsan shuruucda caalamiga ah.

Comments are closed