|

Maxkamadda Midowga Yurub oo Maanta la filayo inay Go’aan ka soo Saarto Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta & Raysal Wasaaraha Yuhuuda oo Dareen Cadho leh kaga Jawaabay

Washington 27. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Yurub ayaa lagu wadaa inay maanta soo saarto Go’aan ururka Xamaas ee Falasdiiniyiinta lagaga saarayo Liiska Ururada Argagixisada.

Go’aankan Maxkamada Yurub ay doonayso in Ururka Xamaas ee falasdiiniyiinta liiska argagixisada lagaga saarayo ayaa waxa suura gal ah in aanay Dalka Maraykanka iyo Israa’iil jeclaysan Go’aankaasi oo ay ka cadhoodaan.

 

Maxkamada Yurub waxa ay dib u eegis ku samaynaysaa Go’aankii  Maxkamada hoose ee yurub ay soo saartey 17-kii bishii Decembar 2014-kii ee ku saabsanaa qaraarkan, Ka dib markii ay Xamaas hagaajisay sawirkii beesha caalamku hore uga qabtay

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benyamin Neteniyaaho ayaa Canbaareeyey Qaraarkaasi.

Comments are closed