|

Deegaano ka tirsan Faransiiska oo ay ka Taagan tahay Masiibo Culus oo ka dhalatay Dab qabsaday Kaymo & Baaxada Khasaaraha

Paris 27. July 2017 (SDN/QJ):- Gobol ku yaalla dalka Faransiiska ayaa waxaa ka taagan masiibo culus ka dib markii dab xoog badan uu qabsaday keymo halkaasi ku yaalla.

Boqolaal shaqaalaha dab-damiska ah ayaa lagu daadgureeyay meesha loo yaqaan Bormes-les-Mimosas ee dalkaasi Faransiiska.

 

Dowladda Faransiiska ayaa gacan weydiisatay waddamada Midowga Yurub ee dariska la ah si wax looga qabto dabka sii fidaya.

 

Dhul lagu qiyaasay 4,000 oo hiktar oo dhaca dhul xeebeedka badda Mediterranean -ka ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaanba gubtay, halkaasoo dad toban kun oo qof laga qixiyey.

 

Dabka ugu xun waxa uu ka hurayaa meesha caanka ah ee loo dalxiis tago ee Saint-Tropez.

 

Ugu yaraan 12 shaqaalaha dab-damiska ayaa ku dhaawacmay dabka , halka 15 kale oo ciidamada booliiska ka tirsan ay ku waxyeeloobeen qaaca oo naqaska ku dhajiyay.

 

Haweeney dalxiise ah oo ku sugan meel u dhow St.Lopez ayaa sheegtay in dhammaan dalxiisayaashii laga qixiyey halkaas.

Comments are closed