|

Boqortooyadda Sucuudiga Oo Cabbista Sigaarka Ka Mamnuucaya Magaalooyinka Barakaysan ee Madiina iyo Makka !

Riyadh 27. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Sucuudiga ayaa  muddooyinka ku hawlan dedaalka ay ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd Cabbista Sigaarka, waxaanay dhawaan soo saartay go’aano cusub oo ay arrintaasi kaga hor tagayso waxaana go’aamadaasi ka mid ah in aan sigaarka lagu cabi Karin goobaha ka ag dhaw masaajidada iyo sidoo kale goobaha lagu iibiyo cuntooyinka, sidoo kale.

Dawladda Sucuudiga ayaa waxay ugu tala gashay in aan labada magaalo ee Madiina iyo Makka aan lagu cabin sigaar maadaama oo ay yihiin laba magaalo oo barakaysan isla markaana dad aad u tiro badan ayaa sanad walba waxay magaalooyinkaasi u tagaan si ay u soo gutaan waajibaadka diiniga ah. Mashruuca labadaasi magaalo lagaga joojinayo cabbista sigaarka oo loogu magac daray “Magaalooyinka Bilaa Sigaarka ah”, tirada dadka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ee Sigaarka caba ayaa lagu tilmaamaa inay tahay mid aad u saraysa waana arrinta ay Dawladda Sucuudiga haatan ku dedaalayso inay hoos u dhigto.

Comments are closed