|

Taliye Ku Xigeenkii Hore ee Ciidanka Nabadsugida Somalia iyo 5 Askari oo Ka Tirsan Dawladda Somalia oo Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay agagaarka Madaxtooyadda Muqdisho

Muqdisho 26. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa goordhaw dagaal ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir hadana ahaa sargaal sare oo katirsanaa ciidankaasi Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile).

Sida aan Wararka ku helnay waxaa dagaal ku dhax maray agagaarka Tayaatarka Qaranka oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamo katirsan Nabad sugida qaranka.

Dagaalka dhax maray labada ciidan oon la ogeyn waxa uu salka ku hayo ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5-askari oo labada dhinac katirsanaa , waxaa sidoo kale goobtaasi ku geeriooday Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad sugida gobolka Banaadir Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile).

Meydka sargaalkan katirsanaa ciidanka Nabad sugida ee la dilay ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana halkaasi gaaray saraakiil katirsan ciidanka Nbaad sugida iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan.

Dagaalkan ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu dabo socdo dagaal kale oo isla maanta ka dhacay agagaarka Isgooska Ceel Gaabta , waxaana dagaalkaasi isna uu u dhaxeeyay ilaalada Madaxtooyada iyo nabax sugida .

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo ku aadan sida uu u dhacay dagaalkan ka dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .

Sargaalka la dilay Ciise Jiijiile ayaa ahaa Taliye kuxigeenkii ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir xiligii uu taliyaha Nabad sugida ahaa Jeneraal Gaafow, waxa uu sidoo kale horey usoo noqday taliyaha ciidanka Nabad sugida degmooyinka Dayniile iyo Howl-Wadaag.

Ciise Jiijiile ayaan mudooyinkan ku dhax jirin shaqada ciidanka dowlada gaar ahaan Nabad sugida sida eheladiisa moo sheegeen, waxaana sargaalkan la sheegay in dhoorkii bil ee lasoo dhaafay uu la jiifay xanuun hayay dhawaana uu kasoo bogsaday.

Comments are closed