|

Guddoomiyaha Guurtida oo Shaaciyey in la hakiyey Guddi Goluhu u Saaray Shaqaaqada Ceel-afweyn, Shuruudna ku Xidhay DAAWO

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay Guurti ahaan hakiyeen Ergo nabadeed oo ay u diri lahaayeen Ceel-afweyn, si ay uga qayb-qaataan deminta Colaadda Beelo wada dega deegaankaas u dhaxaysa, isla markaana dagaalkii u dambeeyey khamiistii inna dhaaftay ku dhex-maray deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Guurtida oo Guddi 12 Xildhibaan oo Guurtida ah ka kooban Axaddii u saaray Gurmadka Shaqaaqada Ceel-afweyn, ayaa Shuruud ku xidhay tegitaanka Guddigaas ee Ceel-afweyn, waxaanu Fadhigii Arbacada Maanta ee Golaha ka sheegay inaanay Guddigaasi tegi doonin Ceel-afweyn illaa gacan adag lagu qabto dirirta labada Beelood u dhaxaysa ee dhimashada iyo dhaawacaba sababtay toddobaadkii hore iyo dhawr jeer oo sannadkii hore ahayd-ba.

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo hadal kooban oo arrintaa ku saabsan ka jeediyey Furitaankii fadhiga Golaha Guurtida ee Maanta oo loo ballansanaa hawsha bixitaanka Guddigaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Hadalkiisa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed