|

Daabacaadii 3aad ee Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde oo Lagu Soo Bandhigay Hargeysa & Qoraa Boobe Yuusuf oo Ka Sheekeeyey Taariikhdii Abwaan Timacade DAAWO

Hargaysa 22. July 2017 (SDN/QJ):- Xaflad ballaadhan oo lagu soo bandhigaayey buugga Diiwaanka Maansada Timacadde oo lagu soo ururiyey Maansooyinkii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacade, ayaa habeenkii xalay lagu qabtay hotel Maansoor ee Hargeysa.

Xafladdan oo ahayd mid lagu daah-furaayey buuggaasi, ayaa wax aka soo qeyb-galay qoraaga buuga Muj.Boobe Yuusuf Ducaale, madax ka tirsan dawladda, abwaano, qoraayo, saxafiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro, haween iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Buuggan oo uu soo ururiyey sida oo kale na uu tifaf-tiray qoraaga weyne ee Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa guud ahaan ka hadlaaya Maansooyinkii Abwaanka Timacadde, waxaana uu buuggani noqonayaa kii saddexaad ee tira ba uu qoraagu ka sameeyo Maansooyinka Timacade.

Comments are closed