|

Mid Ka Mid ah Amiirada Boqortooyada Sucuudiga oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii uu Sameeyay Ficilo Guracan SAWIRO

Riyadh 23. July 2017 (SDN/QJ):- Booliska Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska Boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay tiro dad shacab ah.

Boqorka Sacuudiga Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Saud bin Cabddul-Casiis, ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.

 

Amiirka dhalinyarada ah ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xiran dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah. Waxaana uu muuqaal kale muujinayaa isaga oo tacadi u gaysanaya dhowr qof.

Dadka dhibaatada kasoo gaartay falka amiirka waxaa ka mid ah haween uu af-xumo kula kacay. Dadka qaar ayaana la arkayay iyadoo uu dhiig ka daadanayo madaxooda iyo afkooda.

Boqorka Sucuudiga ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado amiirka, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Comments are closed