|

Boqortooyadda Sucuudiga Oo Ka Xanaaqday Gabadh Dhallinyaro Ah Oo Sawirro Muran Badan Dhaliyey Ku Baahisay Baraha Bulshada!!

Riyadh 23. July 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo waddanka Sucuudi Carabiya dhaqanka diinta iyo shareecadu aad uga hawl galo xukuumadduna aanay ogolayn in haweenku sawirro qaawan iska qaadaan sidoo kalena ay suuqyada ku maraan dhar gaagaaban ayaa waxa dawladda Sucuudi Carabiya ka cadhaysiisay haweenay dhallinyaro ah oo inta ay sawirro fool xun iska qaaday ku baahisay baraha xidhiidhka bulshada.

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay baadhayso gabadh soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo ay bannaantahay cawradeedu gaar ahaana xidhan dhar gaagaaban taasi oo xukuumaddu Sucuudigu sheegtay in ay ahayd wax aan la aqbali karayn.

Gabadhan ayaa markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn oo u muuqata meel barxad ah oo bannaan ah balse aanay dad badani marayn wakhtigaasi.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska caanka ah ee Al Cukaaz, Gabadhan oo lagu magacaabo Khulood oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay sawirro taagan iyo sawirro muuqaal ah oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir oo ku taalla waddankaasi Sucuudiga oo ah goob loo dalxiis tago dadkuna sawirro isaga soo qaadaan.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha xidhiidhka bulshada gaar ahaan dalkaasi Sucuudiga, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xidho maadaama oo ay jabisay haweenaydaasi shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaasi Sucuudiga ee Muslimka ah.

Comments are closed