|

Saddexda Xisbi Qaran oo Si Wada jir ah Baaq Nabadeed Ugu Diray Beelaha Walaalaha ah ee Ku Dagaallamay Deegaanka Darar-weyne

Hargaysa 22. July 2017 (SDN/QJ):-Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa si wada jir ah ugu baaqay in degdeg loo joojiyo colaadda beelaha walaalaha ku dhex maraysa deegaannada Darar-weyne iyo Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Baaqan wada-jirka ah ee ay hoggaamiyayaashu shacabka walaalaha ah ku dhiirrigeliyeen inay ka waantoobaan colaadda iyo nacaybka, waxa ay  ka codsadeen inay nabadda, wada noolaanshaha iyo wada dhalashada muhiimad gaar ah siiyaan.

Ku-simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID Md. Cabdinaasir Qodax, guddoomiyaha xisbiga ahna musharaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo kulankan baaqa ah ka hadlay, ayaa shacabka walaalaha ah ugu baaqay inay u guntadaan nabadda, isla markaana tirtiraan wax kasta oo colaad iyo cunfi ka dhex galin kara dadka walaalaha ah ee xurguftu dhex taallo.

Hoggoomiyayaasha saddexda xisbi qaran waxa uu bulshada ku dhaqan deegaannada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne dib u xasuusiyeen qiimaha iyo nabadda iyo wada noolaanshuhu leeyihiin, iyaga oo ku adkeeyey inay dhawraan walaaltinimada iyo wada-jirka umadda.

Ku-simaha xoghayaha guud ee xisbiga UCID Md. Cabdinaasir Qodax iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa bulshada walaalaha ah ka codsaday inay nabadda adkeeyaan, isla markaana u midoobaan sidii ay u damin lahaayeen colaadda dib u hulaaqantay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna shacabka deegaanada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne inay xil weyn iska saaraan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah, isla markaana ay maanka ku hayaan wada-dhalashadooda iyo danta guud ee ka dhaxaysa.

Comments are closed