|

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceel Af-weyn Oo Korodhay Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay + DAAWO

Hargaysa 22. July 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dagaal laba Beelood ku dhex maray Tuulada Dararweyne oo ka tirsan Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay ku dhinteen 7 Ruux oo Maleeshiyaadka ka mid ahaa, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Wasiiru-dawluhu wuxuu ku baaqay in Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedku kala dhex galaan Dadka ku dagaalamaya Deegaanka Dararweyne, isagoo kuwa Dagaalamayana u soo jeediyey inay Colaadda ka waantoobaan.

Comments are closed