|

‘’Xisbigani Wuxuu Axsaabta Dheer Yahay Xisbi Cid u Suntan ma aha,Xisbi Reer u Suntan ma aha,Taas waxaa u Daliil ah Wax soo Gala Aniga Iyo Xirsi ayaa u Danbaynay’’ Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee X.Waddani DAAWO

Hargaysa 20. July 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, oo Maanta ka hadlayay Xaflad uu Xisbigiisu u Sameeyay Siyaasiyiin ka soo baxay Xisbiga Kulmiye Kuna soo biiray Waddani ayaa ku Tiiqtiiqsaday Sidii uu u Burin lahaa Weedho inta badan lagu Xajiimeeyo Xisbigaa Waddani oo loo Sibir Saaro inay Beel Qudhi leedahay Waxaanu Sheegay in Xisbigan Cidii ugu danbaysay ee ku soo biirtaa ay ahaayeen Isaga iyo Hogaamiyaha Xisbiga Isla markaana iyadoo ay Jireen dad badan oo kaga xaq lahaa ay qabteen Labada Xil ee u Sareeya Marka laga reebo Murashixiinta Madaxweyne Iyo Ku Xigeen loona Cumaamaday Gudoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Iyo Hogaamiyaha Xisbigaasi.

Waxa uu Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Mudane C.qaadir X. Ismaaciil Jirde soo dhaweeyay Xubnaha Maanta ku soo Biiray oo uu Sheegay inay ehel dhow yihiin isaga oo Yidhi :- “Aniga maanta waxa ay ii tahay nasiib gaara runtii, ragga maanta halkan ku sawirani na waa raggaanu isku deegaanka ahayn, waa raggaanu ehelka ahayn, waa raggaanu tolka ahayn oo waa raggaanu wax badan wadaageynay, maanta na anaga oo ah xubnaha xisbiga ee gobalka Maroodi-jeex waxa aanu ku faraxsanahay in maanta uu ay haldoorkaasi ku soo biiraan Xisbiga. Waxaana ay ahayd kaalin naga baanaaneyd oo ay noo soo buuxiyeen.”.

Comments are closed