|

Guddiga Doorashooyinka oo Lacag aan la garanayn Ku Ganaaxay Kulmiye iyo Waddani, Go’aammana Shaaciyey DAAWO

Hargaysa 20. July 2017 (SDN/QJ):- Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga Anshaxa doorashooyinka Somaliland, ayaa Lacag aan la garanayn nooceeda iyo caddadkeeda toona ku ganaaxay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, kuwaas oo ay sheegeen inay jebiyeen qodobbo ka tirsan Xeerka Anshaxa doorashada iyo Kaadh-qaybinta, isla markaana si badheedh ah u sameeyey olole sharci-darro ah oo aan wakhtigiisii la gaadhin.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shir Jaraa’id oo ay Xubno ka kala tirsan Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga Anshaxu Hargeysa ku wada qabteen ka hadlay, ayaa sheegay inay Ganaaxeen labadaas Xisbi oo ay ku caddaatay inay si badheedh ah Sharci-jebin ugu kaceen labadii toddobaad ee dhammaaday oo ay Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani Safarro ku mareen deegaanno ka tirsan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo ay ka socotay qaadashada Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay inaanay mar dambe u dul-qaadan doonin Sharci-jebinta ay Waddani iyo Kulmiye iyo Xukuumadduba ku kaceen, isla markaana ay soo saareen go’aammo Sharci ah oo jiray, balse si cad loo baalmarayey, kuwaas oo ay ka mid yihiin inaan lagu ololayn karin Gaadiidka Dawladda, Shaqaalaha dawladdu inaanay ololayn karin, in TV-ga iyo Idaacadda Qaranka ay u sinnaadaan Saddexda Xisbi oo aan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo keliya loogu adeegin.

Waxaannu Masuuliyiinta Guddiga doorashooyinka iyo Anshaxa Shirkooda Jaraa’id go’aammada ay ka akhriyeen, Digniinta ay ka direen iyo Lacag Ganaax ah oo ay sheegeen in laga rabo labadaas Xisbi oo wax laga weydiiyey xaddigeeda, balse ay ka gaabsadeen, iyagoo ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed