Jab’hada Xoraynta Muslimiinta Filibiin oo Wada Xaajood la Furaya Xukuumadda Filibiin & Heshiis Hor dhac ah oo Dhex maray
Filibiin 21. July 2017 (SDN/QJ):- Jabhada ka soo horjeeda dawlada Filibiin ayaa sheegtay inuu bilaabmay wadaxaajood u dhexeeya dawlada iyo iyaga.
Jabhada Moro ee xoreynta muslimiinta Filibiin ayaa sheegay inay kulmi doonaan wakiilo ka kala socda labada dhinac dhawaan, taasi oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalo faraha lagaga gubtay oo beryahan dhexmarayey ciidamada Filibiin iyo Jabhadan koonfurta dalkaasi.
Wakiilada jabhada ayaa u gudbiyey xukuumada sharci qabyo qoraal ah oo ay ku dalbanayaan in awood buuxda la siiyo Muslimiinta ku dhaqan koonfurta dalka Filibiin, waxa kale oo jiray heshiis noocan oo kale ahaa oo u dhexeeyey madaxweynihii hore iyo jabhadan sannadkii 2014.
Guddoomiye ku xigeenka jabhada Moro Jaafar ku sugan xarunta madaxtooyada Filibiin oo uu kaga qaybgaleyey kulanka dawlada iyo Jabhada ayaa sheegay inuu heshiiskani yahay daawada keliya ee lagaga hortagi karo rabshadaha iyo xagjirnimada.
Madaxweynaha Filibiin ayaa dhinaciisa sheegay inuu heshiiskan u gudbin doono Baarlamaanka dalka, ka dib lagu dari doono distoorka dalka.
Jabhada Moro ayaa ka tanaasushay fikirkoodii ahaa gooni u goosadka, waxa aanay ku beddesheen inay helaan gobol awood badan oo saami fiican laga siiyo dhaqaalaha dalka, maadama oo Muslimiintu yihiin qaar tiro yar oo dalkaasi lagaga tiro badan yahay.
Dagaaladii iyo khilaafaadkii hore u dhexmari jiray jabhada Moro iyo ciidamada dawlada ayaa sababay inay dhintaan dad gaadhaya boqol iyo konton kun oo qof, gobolka Muslimiintana ka dhigay mid fiqiir ah.